Qur’aankanna wuxuu
ku Hanuunin Dadka Arrinta u Toosan ugana
Bishaarayn kuwa fala Wanaag inay Mudan Ajiri wayn .
وقال سبحانه : ﴿ وَنُنَزِّلُ مِنَ الْقُرْآنِ مَا هُوَ شِفَاءٌ
وَرَحْمَةٌ لِّلْمُؤْمِنِينَ ۙ وَلَا يَزِيدُ الظَّالِمِينَ إِلَّا خَسَارًا
﴿٨٢﴾
Waxaana soo dajinaynaa Qur’aanka Isagoo caafimaad iyo
Naxariis u ah Mu’miniinta, Dalimiintana uma siyaadiyo Waxaan Khasaare
ahayn.
وقال سبحانه : ﴿ إِنَّ الَّذِينَ يَتْلُونَ كِتَابَ اللَّهِ
وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَأَنفَقُوا مِمَّا رَزَقْنَاهُمْ سِرًّا وَعَلَانِيَةً
يَرْجُونَ تِجَارَةً لَّن تَبُورَ ﴿٢٩﴾
Kuwa Akhriya Kitaabka Alle oo salaadda ooga oo wax ka
nafaqeeya (ka bixiya) waxaan ku arsaaqnay qaarsoodi iyo caddaanba waxay
rajayn tijaaro (ganacsi) aan baaraynin.
عن أبي أمامة رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه
وسلم يقول: " اقرءوا القرآن فإنه يأتي يوم القيامة شفيعًا لأصحابه"
((رواه مسلم)).
Abii umaamah (A.K.R) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulkii Alle
(S.C.W.) oo leh: Darsa Quraanka (si joogta ah), maxaa yeelay wuxuu u ahaan
doonaa shafeece iyo garab akhristayaashiisa Maalinta Qiyaamaha. (Muslim)
وعن النواس بن سمعان
رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: "يؤتى يوم
القيامة بالقرآن وأهله الذين كانو يعملون به في الدنيا تقدمه سورة البقرة وآل
عمران تحاجان عن صاحبهما " ((رواه مسلم)).
Nawwaas bin Samcaan (A.K.R) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nebiga
(S.C.W.) oo leh: Maalinta Qiyaamaha Qur’aanka sidoo kale waa lala keeni
doonaa kii ku camal falay adduunyadan. Hortiisa isaga, oo Suuradaha
Al-Baqrah iyo Aal-Cimraan baa hogaamin doona iyagoo u doodaaya dadkii
akhrisan jirey suuradahan adduunkii. (Muslim)
وعن عثمان بن عفان رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله
عليه وسلم : "خيركم من تعلم القرآن وعلمه" ((رواه البخاري)).
Cuthmaan ibn Caffaan (A.K.R) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.)
Wuxuu yiri: Waxaa idiinku khayr badan kuwiinna bartay Qur’aanka oo barana
dadka kale. (Bukhaari).
وعن عائشة رضي الله عنها قالت: قال رسول الله صلى الله عليه
وسلم : "الذي يقرأ القرآن وهو ماهر به مع السفرة الكرام البررة، والذي يقرأ
القرآن ويتتعتع فيه وهو عليه شاق له أجران" ((متفق عليه)).
Caa’isha (A.K.R) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:
Qofkii akhriya Qur’aanka oo u akhriya si fiican wuxuu la meel joogaa
malaa’igta wax qorta oo sharafta leh oo baarriyiinta ah, qofka ku akhriya
Qur’aanka si jejebin ah oo uu dhibta ku yahay wuxuu yeelan doonaa laba ajar.
(Bukhaari iyo Muslim)
وعن أبي موسى الأشعري رضي الله عنه: قال رسول الله صلى الله
عليه وسلم : "مثل المؤمن الذي يقرأ القرآن مثل الأترجة: ريحها طيب،
وطعمها طيب، ومثل المؤمن الذي لا يقرأ القرآن كمثل التمرة: لا ريح لها وطعمها
حلو، ومثل المنافق الذي يقرأ القرآن كمثل الريحانة: ريحها طيب وطعمها مر،
ومثل المنافق الذي لايقرأ القرآن كمثل الحنظلة: ليس له ريح وطعمها مر"
((متفق عليه)).
Abuu Muusaa Al-Ash-Cari (R.C.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.)
wuxuu yiri: Tusaalaha mu’minka darsaa Qur’aanka waa sida liinta ah udguunka
iyo macaankla, tusaalaha mu’minka aan akhriyin Qur’aanka waa sida timirta
engagan aan iyadu ur lahayn ha yeeshee macaan, tusaalaha munaafiqa akhriya
Qur’aanka wuxuu la mid yahay reexaanta udgoon haddana qaraarka ah, munaafaqa
aan akhriyin Qur’aanka wuxuu la mid yahay sibirta aan urta lahayn qaraarkana
ah dhadhan ahaan. (Bukhaari iyo Muslim)